Xusuuso hadaad Xis leedahay!

4
72
Daafeet.com oo horay dhow jeer idiin soo bandhigtay dhibaatooyika taagan iyo kuwa ku soo socda dhulka iyo Qawmiyada Digil iyo Mirifle ayaa markan waxay door biday inay dib idiin xasuusiso magaalo dhab ka hadal ahaa oo ay horay idiinku sii digtay oo weliba maanta kudhowaad sedex sano ka hor wixii aan ka dignay ay maanta taagan yihiin ee Xasuuso hadaad xis leedahay…
sakiin

Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaanada DigilMirifle miyay na metelaan mise wayna muutsadaan?

Posted by admin on Oct 3rd, 2011.

Waxaad moodaa in xubnaha Digil iyo Mirifle uga midka ah Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya ay ka hurdeen(Ka seexdeen) kaalintoodii ahayd in dadka iyo dalka ay metelaan ay wax taraan,Taa bedelkaadana noqdeen kuwo meesha u fadhiya in ay u adeegaan dad kale oo ay noqdeen sida Maacuunta oo kale.

Tan iyo markii uu dhacay dagaalka sokeeye ilaa iyo maanta dhulka Digil iyo Mirifle waxaa uu noqdey Halaq-mareen taasoo loogu geystey dhibaato badan oo aan halkan lagu soo koobi kerin.

Shirar badan oo ey ka qeyb galeen calooshood u shaqeystayaal sheegaya iney matalaan qowmiyada Digil iyo Mirifle ayaa ka dhacay dalal ka duwan oo ka tirsan Qaarada Afrika kuwaasoo xubin walba oo loo soo qaado(Xaq u helaan) Digil iyo Mirifle noqota xubin qof shaqsi ah uu siduu doono ka yeelo isagoo aan waxba ugu qaban umada uu sheegayo inuu matalo.

Sida aynu ka warqabno Dastuurka Soomaliya waa dastuur ku saleysan nidaam Federaali ah oo gobol kasta ama degma kastaa ey ayadu leedahay ismaamulkeeda iyo sidii ey wax ugu qaban laheyd umada ey markaas metelaan ayadoo danta guudna markaa laga wada shaqeynayo.

Umada Digil iyo Mirifle waxaa lasoo gudboonaadey(Soo maray) dhibaatooyin fara badan oo tii ugu dambeys ey xiligan hada la joogo taagan tahay waxaa Soomaaliya ka dhacay abaaro aad u ba’an oo ku kaliftey in qoysas fara badan oo Digil iyo Mirifle ah ka soo qaxaan guryahoodii iyo xoolahoodii ayagoo gaajo darteed caruurtoodii ugu soo dhinteen wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Markii ey soo gaareen xerooyin waawey oo ayaga ey u ooteen qolooyin isku magacaabey NGO oo mar walba ka ganacsada Dhiiga dadka baahan iyo kaalmada loo fidiyo dadka tabaaleysan ee u baahan in loo fidiyo gar gaar bani’aadan-nimo.

Sida eynu ka wada war qabno warbixin ay sameysay UN-ka oo eheyd in raashinkii loogu tala galey barakacayasha lagu iibinaayo suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho qaar kalana loo iib geeyey dalaka deris aynu nahay.

waxaa wax lala yaabo ah nimanka isku sheegaya iney mataalaan shacabkaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan weligood ka hadlin amaba aan booqanin maalin keliya xerooyinka ay ku jiraan ummadda ka soo qaxdey dhulka ay matalaan amaba aan weligood ka hadlin mucaawinada loo iib geynaayo suuqyada dalka iyo wadamada aan deriska nahay.

waxaa kaloo beryahan dambe jirtay barakicin lagu hayo shacabka ka qaxey Koonfurta Soomaliya oo u qaxey Puntland(Burcadland) iney la kulmeen dhibaatooyin badan ayagoo mar walba lagu eedeynayay dhibaato walboo ka dhacda gobolada Puntland ha noqdeen mid ey ayagu isku geystaan ama mid dad kale u geystaan.

Puntland ayaa markii ay aragtey in umadan eysan laheyd dad u hadala wxaa ey bilowdey iney qaarna xabsiyada dhigto ayagoo ku eedeynaya iney yihiin argagixiso qaarna xoolohoodii laga dhoco qaarna ayagoo guryahoodii ama suuqaba maraaya halkaa lagu dilo.

Waxaa kaloo ayana socda kaalmooyin waxbarasho oo ey bixinayaan wadamo inoo soo gurmadey sida dalka Turkiga oo usbuucii tagey u qaadey dalkeeda tiro ardey ah oo kor u dhaafey 300 ayagoo sheegey in xiligaa xili ka horeeyeyna ey qaadeen ilaa iyo 50 ardey si ey wax uga soo bartaan.

Akhristaha qiimiga iyo qaayaha mudanow ma rumaysan kartaa in deeqdan waxbarasho ay Dowladu ku qaybisay 4.5 qaybtii Digil iyo Miriflana loo dhiibay Xildhibaanada Baarlamaanka ugu jira Qowmiyada Mase rumaysan kartaa in ardada Turkiga tagtay tiradoodu tahay 338 oo Digil iyo Miriflana ay ka yihiin oo kaliya 27 arday waa yaab oo waa kaligaa qol isku xiroo ku OOY..OOY..OOY……Kuraastii loogu talagalay ardada Digil iyo Mirifle waxaa lagu kala gatay suuqa waxaana gatay Xildhibaanadeena.

Ka dib markeynu aragney intan oo dhibaato ah intan xaqiraad ah waxaa inoo cadaatey in Gudoomiyaha Barlamaanka iyo xubnaha baarlamaanka u fadhiya Digil iyo Mirifle ey yihiin dad marqaati ahaan meesha u fadhiya oo aan wax howl ah ugu maqneyn umada ey matalaan waana dad inta badan u adeega shaqsiyaad kale waa dad aan ku kalsooneyn dadnimadooda waa dad aaminsan in eysan waxba qabsan karin waa dad danahooda gaar ahaaneed ka hor mariya danta guud ee qowmiyada Digil iyo Mirifle.

Gaar ahaan aqristayaasha Digil iyo Mirifle waxaan idiin kala dardaarmayaa in aad iska deysaan taageerida aad taageyreysaan qof aan wax dan ah idiinku maqney xataa hadii uu yahay midka kula qabiil ka ah iskuna daya inaad mar walba taageertaan qofka xaqa ku taagan sidoo kalena isku daya inaad wax u sheegtaan xubnaha Baarlamaanka ee sheegta inay matalaan Digil iyo Mirifle ee aad tolwadaaha tihiin sababtoo ah umada Digil iyo Mirifle waa shacab u baahan iney hogaan hesho, waa ummad u baahan qof dhibta lagu hayo ka hadli karta, waa ummad u baahan qof ka hor istaagi kara dhibbaatooyinka ka imaanaya meelaha kale sida dhibaatada hada lagu hayo xerooyinka Muqdisho iyo Puntland.

Waxa jidka ku dhimanaaya waa shacabka Digil iyo Mirifle, waxa xerooyinka baahi ku dileyso waa shacabka Digil iyo Mirifle, waxa dhaca loogu geysanaayo xerooyinka Muqdisho waa shacabka Digil iyo Mirifle, waxa ka buuxa xerooyinka dhadhaab ee Kenya waa shacabka Digil iyo Mirifle, waxa lagu gumaadaayo gobolada dhexe waa shacabka Digil iyo Mirifle, waxa caruurtoodii macluusha u dhimaneyso waa caruurta Digil iyo Mirifle.

Aawey kuwii lahaa dad baan metelnaa mise metelaada waxay u arkeen Baarlamaanka oo laga dhex muuqdo misna meesha shaah lagu cabo? Waa yaab tani ma ahan metelaad ee waa hoos u dhigis iyo burburin shacab!

Shacab haduusan lehyn hogaan iyo hogaamiye u hadla waa shacab aan jirin oo baaba’ay, marka inta goori goor tahay shacabka Digil iyo Miriflow hurdada ka kaca oo kacdoon ku diida kuwan magaciina dhulka dhigay.

Yasin Abicar

Daafeet.Com

4 COMMENTS

  1. asc-yaasiin eeda an mahadsanta maqaalka ada ha qorti wa mid luku dareemaw runta..galanta ala makoo gooya anka hertoy ini ada ha qorta taarikhdun oo kale..tan kale mayba rajeyey ini dadkaana walkasaan.cadowga haka duulina isla aragaan waana isku reeban ..hadii una inisku reebna tuugadun hal ogaadoy walna gumeysada doona..wbtfq

  2. marka ugu horeysa scw bacda salaan walaal yaasiin waxaan kaaga mahad celinayaa qormadaan cajiibka ah ee shacabka qoomiyada digil iyo mirifle damiir lawayaasha hor boodaya oo sheegta iney iyaga mas,uul kayihiin beentooda oo aan cidina wakiilan, waxaan dhihi lahaa aan iska dhicino, hadaan layska qaban umada dhibtaan kabiximeyso waxay u adeegaan dadkale waana daneysta yaal.

  3. Maqaalkan waxaa Lagu soo sheegey waa run ay ka jiraan balse tag meesha taasho ayaa ah sidee looga baxaa ? Hadaba aniga waxay ila tahay in laga tahasho calool u shaqeyada maanta namatala ha’ahaadeen Kuwa isku shega wasiirada Iyo baarlamaanka oo ah Kuwa maanta ay ka fikiraan sidet ku heli lahaayeen boorso lacag ama ka fikiraan sidey u baryi lahaayeen dad maanta ayaga ka liita Ayna dadkooda y liida u mada kale Horta waa in laga tashadaan looms heylaa wado Lagu safari lahaa kid cad sidey noqoto ha ‘aha ate aniga taas ayaan qabaa.

Comments are closed.