Alshabab oo la wareegey Isbitaalkii Mareereey oo ey gacanta ku heysey Hey'ada MSF

0
73

alshababAl-shabaab ayaa saakay la wareegay isbitaalka weyn ee deegaanka Mareerey ee gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku haysay hay’adda MSF, iyagoo shaqaalihii ku sugnaa isbitaalka ku amray inay isaga tagaan.

Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo hay’adda MSf ay shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojinayso howlihii caafimaad ee ay ka haysay guud ahaan Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigtay ammaan-darrada oo soo kordhaysa.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe la wareegtay isbitaalka guud ee degmada Diinsoor oo ka mid ahaa isbitaallada ay gacanta ku hayso hay’adda MSF, iyadoo Al-shabaab ay u muuqato inay qorsheynayo inay la wareegto xarumihii MSF.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin isbitaallada ay la wareegtay ee MSF ay gacanta ku haysay, waxaana joojinta howlaha MSF ay saameyn xooggan ku yeelan doontaa bukaanno badan oo daryeel caafimaad ka heli jiray hay’addan.

Daafeet.Com