Ciidamada Dowlada oo Saaka la wareegey Deegaanka Rab-dhuuro ee Gobolka Bakool

2
55

dagaalGuddoomiyaha dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool, Maxamed Macalin ayaa sheegay in dagaallo shalay dhacay ay kula wareegeen deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool, uuna qorshahoodu yahay inay la wareegaan degmada Xudur.

Maxamed Macallin ayaa sheegay in deegaannada ay la wareegeen ay ka mid tahay Rab-dhuurre oo ay Al-shabaab ka talin jirtay, ayna hadda degmada Xudur u jiraan wax ka yar 50-km.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhankooda ay kaga dhinteen dagaalladaas laba askari, lix kalena ay kaga dhaawacmeen, balse ay kaga dileen Al-shabaab 10-qof ayna kaga dhaawacmeen 15-qof oo kale inta ay hubaan.

Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo la wareegay horraantii sannadkan, kaddib markii ay ciidankii Itoobiya iyo kuwii Soomaaliya ee halkaas ku sugana isaga baxeen.

Maamulka gobolka Bakool ayaa dhawaanahan diyaarinayay ciidammo ay ku weeraraan deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. haa waa guulween waaye hadii run noqoto walaa laheena soomaaliyee ookunool gobolka bakoo waa gobalka ugaliito hada soosoomaaliya sabab tana waa dad kadagan oo noqode dad dan tooda garanwaayey waxaa dha halahaa dadka gobolkaas degan xafikireen

Comments are closed.