Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kambala ee dalka Uganda.
Kulanka ayaa looga hadlayay xaaladda jaaliyadda Soomaalida ah ee dalka Uganda gaar ahaan ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka iyo isbeddelka horumarineed ee ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa ku amaanay Soomaalida Uganda ku nool sida ay mar walba ugu heellan yihiin horumarinta dalkooda, wuxuuna kula dardaarmay ardayda dhameysatay waxbarashada in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan oo ay ka qeyb qaataan horumarintiisa.
Mar uu ka jawaabay su’aal ay waydiyeen qaar ka tirsan ardayda oo ku saabsaneyd in wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka iyo in kale ayuu sheegay in aanu jirin arrinkaas.
Daafeet.Com