Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay ninka lagu magacaabo Adan Cabdi Xuseen oo aha gacan ku dhiiglihii dilay Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo horay loo xukumay.
Fagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ayuu ka dhacay dilka loo geestay gacan ku dhiiglaha dilay Wariye Absuge oo horay maxkamada ciidanka qalabka sida ay uxukuntay.
Goobta dilka uu ka dhacay waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida Liibaan Cali Yaroow iyo saraakiil ka socotay maamulka Gobalka Banaadir.
Waa markii ugu horeysay oo ruux lagu eedeeyay inuu dilay Wariye Magaalada Muqdisho dil lagula fuliyo,iyadoo tani ay muujinayso sida maxkamada ciidanka qalabka sida ay udar-dargelisay shaqooyinka.
Daafeet.Com