Dhegeyso:- Afhayeenka howlgalada Alshabab Shekh C/casiis Abuu Mascad oo ka hadley Howlgalada ey Fuliyeen

0
79

Abuu mascabAl-shabaab ayaa sheegtay inay ka fuliyeen Soomaaliya 167 weerar oo isugu jira kuwo toos ah, dilal qorsheysan iyo weliba qaraxyo, kuwaasoo intooda badan ay sheegeen inay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo qorsheysan ayna 73 ka mid ah ka fuliyeen Muqdisho oo keliya.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in 56 weerar oo ka mid ah 167-ka weerar ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose, 16 ka mid ahna ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, halka 22-ka weerar ee soo harayna ay ka fuliyeen gobollada kale ee dalka sida: Bay, Bakool, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Gedo.

Muscad

 

 

Daafeet.Com