Gudomiyaha Barlamanka Somaliya Prof Jawaari oo maanta la kulmey Madaxweynaha dalka Ugandha Musevani

0
63

Jawaari_MuseveniGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Uganda, Yoweri K. Museveni iyagoo kawada hadlay arrimmo quseeya labada dal.

Kulankan oo ka dhacay madaxtooyada Uganda ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay madaxweynaha Uganda oo ammaanay sida ay u shaqeeyo golaha baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan muddadii uu jiray iyo sida qaybta weyn ay uga qaateen isbedellada dhanka siyaasadda ah ee ka dhacay Soomaaliya oo ay ugu horreysay doorashii madaxweynaha iyo ansixintii xukuumadda.

Musveveni wuxuu heshiis taariikhi ah ku tilmaamay heshiiskii maalmo ka hor ay kala saxiixdeen baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo labada baarlamaan ay ku midoobeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha Uganda gaarsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha Soomaaliya,X asan Sheekh Maxamuud, isagoo dhanka kale uga mahad -eliyay Museveni iyo shacabkiisa sida ay ugu soo dhaweeyeen wafdiga uu hoggaaminayo magaalada Kampala.
Daafeet.Com