Howgalo lagu sugaayo amaanka oo laga sameeyey Degmada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud

0
61

dhusamarebMaamulka degmada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud ayaa ka warbixiyay howlgal dad lagu soo qabqabtay oo saacadihii la soo dhaafay ay ciidamada amnigu ka sameeyeen magaaladaasi.

Howlgalkan oo 24-kii la soo dhaafay ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo qabqabtay Shan ruux oo looga shakiyay iney falal amnidaro ah ka wadaan degmada Dhuusamareeb, iyadoo qaarkoodna la rumeysanyahay iney xiriir la leeyihiin argagixisada Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb macalin C/raxmaan Cali Geedaqoroow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka degmada, isagoo intaa ku daray in lagu qabtay dad looga shakinsan yahay iney xiriir la leeyihiin Shabaab ayna qorsheeynayeen falal amnidarro ah oo ay ka geystaan magaalada.

Dhanka kale guddoomiyaha ayaa uga digay dadka ku nool degmada Dhuusamareeb iney guryo ka kireeyaan ama ay soo dhaweeyaan dadka aysan garaneysnin oo ku cusub magaalada iyo sidoo kale kuwa xiriirka la leh maleeshiyaadka Alshabaab.

 

Daafeet.Com