Waxaa saaka aroortii hore howlgallo ammaanka lagu sugayo laga bilaabay xaafadda Abuu Raas ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, oo isugu jira boolis iyo milateri.
Guddoomiyaha maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalladu ay socdaan, isla markaana xaafaddaasi guri guri ay u baarayaan ciidamada howlgalka sameynaya.
Howgaladan ayaa imanaya ka dib kolkii beryahan ey magaaladaasi ka socdeen xurgufyo u dhexeysa dadka deegaanka iyo qoloyin kasoo hayaamey gobolada dhexe ee dalka oo beryahan dambe waanwaantooda ka socotey magalada muqdisho.
Daafeet.Com