Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxaa maanta ka furmayo kulamo ay wada yeelanayaan masuuliyiin ka socota maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo iyo wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya.
Kulanka maanta lagu wado inuu ka dhaco Adis Ababa ayaa waxaa isugu imaan doona sida wararka sheegayaan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Kuxigeenka hogaamiyaha Raaskaambooni Generaal Fartaag.
Ujeedada wadahadalka ayaa ah sidii xal buuxda looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arimaha Jubbooyinka ee udhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo.
Shirkan ayaa waxaa qaban qaabadiisa iska leh Urur Gobaleedka IGAD,maadaama Bishan gudaheeda xubno ka socda IGAD ay tageen Kismaayo ayna dib udhigeen qorshe lagu dhameestiri lahaa maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa doonaya in maamulkiisa ay aqoonsato Dowladda Federaalka Soomaaliya,halka Dowladda Soomaaliya ay qabto feker ah in maamulka Jubbaland lala hareermaray Dastuurka dalka uyaalo,inkastoo suuragal ay tahay in kulanka maanta dhacaya ay fekradahaasi wax iska bedelaan.
Daafeet.Com