Wafdi ka socda Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeelaha dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga ka socda QM uu hogaaminayey xiriiriyaha deeqaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey Philip Lazarani iyo xubno kale oo Hey’adaha UN-ka ka tirsan.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo wafdiga diyaarad Helicopter ah ay ku tageen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.
Kulamo kala duwan ayeey la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe si ay u qiimeeyaan fatahaad uu wabiga Shabeele ka geestay deegaano ka tirsan Shabeelaha dhexe.
Daafeet.Com