Gudomiyaha Barlamanka Prof Jawaari oo ka hadley wixii u qabsoomey Golaha Barlamanka mudadii sanadka ey jireen

0
62

jawariBarlamaanka Soomaaliya ayaa jirsaday muddo hal sano ah, iyadoo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu sheegay inay wax badan u qabsoomeen halkii sano ee ay shaqeynayeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in howlo badan ay horyaallaan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in howlihii ay horay u soo qabteen ay ka mid yihiin dajinta miisaaniyadda uu ku shaqeynayo Golaha Baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyado ay xukuumaddu usoo gudbisey.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ay dhawaan ansixiyeen sharciyo ay u soo gudbisay xukuumaddu, ayna jiraan kuwo kale oo u harsan, isagoo sheegay in howlaha baarlamaanka horyaalla ay ka mid yihiin sidii dalka looga hir-gelin lahaa doorasho dad-weyne.

“Qorshayaasha na horyaalla waxaa ka mid ah sidii afti qaran oo guud looga qaadi lahaa dalka, sida ansixinta Dastuurka iyo in mas’uuliyiinta dalka ay ku yimaadaan doorasho dad-weyne, taasna waa howl adag, balse dadaal ayaan ugu jirnaa inaan hirgelinno,”
Daafeet.Com