Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe waxa ay ka wadaan howlgal baaritaano ah oo lagu sugaayo amaanka degmada Jowhar.
Howlgalkaan ayaa waxaa ay ka dambeeyay kadib markii xalay Magaalada Jowhar lagu dilay askari sida la sheegay ka tirsanaa ciidanka Nabadsugida ee Degmada Jowhar ka howlgala.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ciidanka ka wadaan baaritaano xaafadaha kala duwan ee Degmada Jowharna ay ka sameynayaan,inkastoo aysan jirin cid wali lagu soo qab-qabtay howlgalkaasi.
Degmooyinka ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayaa beryahan waxaa ka socdey howlgalo lagu sugaayo amaanka deegaanka maadaama ey ku bateen dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gobolka.
Daafeet.Com