Kenya oo sheegtey in Bilgium ka caawino doonto dib u dejinta Qoxootiga Somaliya

0
59

kenDowladda Kenya ayaa sheegtay in dalka Belgium uu gacan ka siinayo sidii qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool dib loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu qoxootiga Soomaalida dib ugu celiyo dakooda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurogalka ah.

Ruto wuxuu hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu ka qaybqaadanayo sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Isagoo xusay in ciidamadooda Somalia ku sugan ay halkaas u joogaan sidii ay howlaha nabadeynta ay uga qaybqaadan lahaayeen.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in shirarkaas looga hadli doono sidii loogu bixin lahaa dadaallo in nabad ku soo dabbaalidda dalalka haroooyinka waaweyn ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo iyo dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay ugu heshiiyay in la qabto shirweyne looga hadlayo sidii qoxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya ku nool dib loogu celin lahaa dalkooda Soomaaliya.
Daafeet.Com