Ra'isulwasaare Saacid oo sheegey in xukuumadiisa ay ahmid gaar ah siin doonto Xuquuqda Adanaha

0
53

sacidRaysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka hadlay siyaasadda xukuumaddiisa ee ku wajahan dhawrista xuquuqda bini’aadamka.

Shirdoon ayaa sheegay in dowladnimada xukuumaddiisu doonayso ay tahay mid ku dhisan in la dhawro lana horumariyo xuquuqda aadanaha.

Shirdoon ayaa sheegay in xukuumaddu ay warbixin ka dhageysatay guddi loo xil saaray dabagalka dilalka weriyeyaasha iyo fara xumaynta lagula kaco dumarka, isaga oo sheegay in ay soo gudbiyeen guddigu qoraallo ku saabsan howshii loo igmaday.

Waxa uu xusay in la qaabili doono dhammaanba warbixinnada ay soo gudbiyaan guddiga, waxana uu ku ammaanay guddiga shaqada ay qabteen iyo duruufaha ay ku shaqeynayeen, taas oo uu ku tilmaamay in ay caalamad fiican u tahay duruufta lagu shaqeynayo.

Raysul wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dowladnimada iyo in la helo xuquuqda shacabku ay leeyihiin, si loo gaaro himilooyinka ay xukuumaddiisu hiigsaneyso.

 
Daafeet.Com