Sweden oo ka hadashey weerarkii shaley lagu diley wiilka Somaliga laguna dhaawacay haweneyda Swedhiska

0
62

swedenWasaaradda Arrimaha dibedda dowlada Sweden ayaa waxay sheegtay in kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ku weerareen siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga bidix ee dalkaas.

Afhayeen u hadashay wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Sweden Camilla Akesson Lindblom ayaa sheegtay in siyaasiyiintaas ay Muqdisho u tegeen barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada Somalia.

Abdirahim Hassan oo 24 jir ah, isla markaana ka tirsanaa Dhalinyarada Xisbiga Vänsterpartiet turjubaana ahaa ayaa weerarkaas lagu dilay, halka Ann-Margarethe Livh oo ah xubin sare oo ka ah xisbiga ay dhaawacantay, waxaana lagu weeraray bannaanka hore Jaamacad ay seminaar kaga soo qeyb galeen.

Haweeneyda Swedishka ah ee la dhaawacay Ann-Margarethe Livh ayaa markii Magaalada Muqdisho ay tagtay waxay barteeda Twitterka ku qortay in ay safar deg deg ah ku tagtay Muqdisho, kaasoo ay sheegtay iney hadiyad uga dhigtay duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Xisbiga Vänsterpartiet ee dalka Sweden Jonas Sjöstedt oo la hadlay TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin geerida naxdinta leh ee ku timid Abdirahim Hassan iyo dhaawaca loo geystay Ann-Margarethe Livh, isagoo tacsi u diray ehelada ay ka soo jeedaan.
Daafeet.Com