Wasiirka Arimaha Dibada ee Dowlada Federalka Somalliya oo gaartey Dalka Shiinaha

0
56

fosiyaWasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa garoonka diyaaradaha ee Shangahia ku soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda Shiinaha iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb Yuusuf Dheeg.

Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa mudo todobaad ah ku sugnaan doona dalka shiinaha waxeyna la kulmi doonta maalmaha Axada iyo Isniinta Madax sar sare oo ka tirsan dalka shiinaha sida Raisul wasaare ku xigeenka, Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee shiinaha.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa kala hadli doonta madaxda shiinaha sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dib u dhiska soomaaliya iyo sidii ay u soo celin lahaayeen mashaariicdii horumarinta oo ay ka wadeen Soomaaliya burburkii ka hor.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka,wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud,guriyaynta iyo tamarta diplomaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda soomaaliya iyo xubno ka mid shaqaalaha xafiiska raisul wasaareku xigeenka.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa madaxda Shiinaha u gudbin doonta dhanbaal ay ka wado madaxwaynaha Soomaaliya oo ku saabsan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay wax wada qeybsi iyo iskaashi dhex maralabada dal.
Daafeet.Com