Dhegeyso:- Odayaasha Digil iyo Mirifle oo kasoo horjeestey Heshiiska Dowlada iyo Axmed Madoobe

2
61

baydhabooOdayaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa Maanta ka hadlay mowqifkooda ku aadan wada hadalada Magaalada Addis ababa uga socda DFS iyo maamulka Jubbaland oo u Horbodayo Axmed Madoobe.

Malaq shine oo kamid ah waxgaradka Magaalada Baydhabo oo Warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in wada hadalada Axmed Madoobe iyo Dowlada Federaalka ay Tahay Fidno isla markaasna aysan ogolayn wada Hadalkaas.

digil iyo mirifle 

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. Asc waxan halkan ugu tacsiyeenaya geesigii RRA Gen shaati gaduud oo an dhihi karo wax booskiisa booxiyo ilaa iyo hada lama helin.

    Waxaan ka xumahay Qomiyad dhan oo la ogyahay tiro badnideda iyo dhulkeeda baaxadiisa misna an tow fiiq laheyn.

    Waxaan ka xumahay in manta 2 beel oo xitaa an u dhigmin beel kamid ah Raxweyn ay malin cad boobto dhulka Raxweyn misna Aqoon yahankeeda iyo dhalinyadeeda xitaa an awoodin inay idaacada ka cambareeyan dhulkeeda oo hortooda lagu qeyb sanayo.

    Waxaa nasiib daro ah in manta an iska warqabin Qowmiyad dhan oo dhan dhaqaale iyo dhan aqoonba ka dhisan
    waxaase nasiib daro ah in ay jiraan jaaliyado misna an kalintooda kaso bixin

    waxaase wax laga xumaado ah in ay manta qurba joogta Digil iyo Mirifle ay xitaa intey shir dag dag ah isugu yimaadan ay cabaareeyn u diri layihiin Dowlad ku sheega caadeysatay iney dhiil la gasho gufo kamid ah Daarod misna ay dhahdo aniggana wax iga sii dhulka adiga qaado ana ku ansixinaa dadkii lahana ay indhaha da daawanayan.

    Walalyaal hadad tihiin DM dadka u nasab sheegta malinba gobol iyo degmo aya laga qadana iyo beerahaga baritana qaxooti ayad tahay dhulka maba dagtid aya ku taal ee intey goori goortahay fadhiga ka kaca ubadkiinana u hiiliya.

    Digil iyo Mirifle manta waa malintaad isku duubmi laheedeen oo ad cadowgiina iska dhicin laheedeen ninka ku fikirayo iney dowlad jirto dowlad dalka kama jirto waad aragteen in habargir ay dhahday Xasan Daahir Abgaal aya haystee hanoo sii daayo ama talaabo ayan qaadeynaa.

    marka DM yusuan sugin in dhulkooda abgaal uu ugu qaado qolo kale ee haysata inuu asagana dhankiisa ka qato mooyee.

  2. marka ugu horeysa scw salaan kadib shacabka qoomiyada digil iyo mirifle waxaa kudhacay nasiib daro tii ugu xumeyd oo umadi ay kudhacdo sababtoo ah ma heystaan hogaan daa,cad ah, sida siyaasi wax garad aqoon yahan iyo waliba odey dhaqmedyo,waxaan sidaa u leeyahay.
    tusaale shirkii odey dhaqmeedyadu ee ka bilowdey dhoor bilood ka hor oo la lahaa maamul koofur galbeed ayaa lagu dhisayaa aawey xaguu ku dabeeyey, marka walaala yaal, dowladu yaan la eedin eeda anagaa iskaleh,

Comments are closed.