Wasiirka wasarada warfaafinta oo soo saarey Afar qodob oo ey ku shaqeynayaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howl gala somaliya

0
109

ciil moogWasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo saaka xafiiskiisa kula shiray dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka hawlgala ayaa soo saaray go’aamo ay soo dhaweeyeen dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ka shaqeeeya.

Shirkan oo qaatay saacado ayuu wasiirku ugu horeyn uga mahadceliyay adeegga ay shirkadahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo u sahlay inay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa u kala safraan muddadii uu dalku burbursanaa iyagoo u bareeray khatar badan kuna soo shaqeeyay xilli adag iyadoo wasiirku u balan qaaday shirkadaha Soomaaliyeed inay leeyihiin mudnaanta Koobaad iyagana looga baahan yahay in kor u qaadaan adeegga ay bixiyaan.

Wasiirka ayaa shirkadaha uga warbixiyay guulihii isdaba joogga ahaa ee wasaaraddu ka gaartey soo celinta hawada Soomaaliyeed(Somali Airspace) iyo Xayiraaddii caalamiga ahayd ee laga qaaday garoonka Aaden Cadde ee Caalamiga taasoo sida wasiirku sheegey soo dadajinaysa in kor loo qaado tayada adeegyada garoonka Aaden Cadde iyo dhamaan garoomada dalka iyo Shirkadaha duulimaadyada ee dalka ka shaqeeya.

Wasiirka ayaa shirkadaha kala hadlay arimo badan oo ay kamid ahaayeen daryeelka Rakaabka Soomaaliyeed, Jadwalka diyaaradaha, sharciyadaha iyo shaqaalaha lasocda diyaaradaha iyo waliba luuqadaha lagu hadlo xiliyada rakaabku saaran yihiin diyaaradaha dalka ka shaqeeya.

Kulankaas ayaa kasoo baxay afartan qodob ee h oos ku qoran

1- In Dhamaan shirkadaha diyaaraduhu ay wasaaradda keenaan muddo 7aad ah sharciga, ruqsadaha diyaaradaha iyo shahaadooyinka shaqaalaha la shaqeeya(Crew)ga si loo hubiyo inay yihiin dad aan danbi lahayn una qalma shaqada ay hayaan.

2- In luuqadda Soomaaliga ahi noqoto midda ugu mudan ee lagula hadlo rakaabka saaran diyaaradaha ka shaqeeya dalka Soomaaliya

3- In shirkadaha diyaaraduhu ay ilaaliyaan waqtiyada bixitaanka iyo imaatanka rakaabkana ay siiyaan waqti sax ah oo ay ku xisaabtamaan.

4- In shirkadaha diyaaradahu aysan ku shaqaynsan diyaarad aan lahayn adeegyada Marawaxadaha, Musqulaha iyo inaan diyaaradaha la saari karin rakaab dheeri ah iyo culeys ka badan midka loogu tala galay.

Daafeet.Com