Iyadoo ay aad isu soo tarayaan diidmada ay guud ahaan wax garadka Soomaaliyeed ay ku diidan yihiin shirka Macmalka ah ee kooxda dhulboobka ah ee hogaanka u hayo Horjoogaha Shabaabka ee Axmed Madoobe ayaa kuwii ugu danbeeyay waxay ka kala yimaadeen Malaaq Cali Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Malaaq Shiino kana mid ah Malaaqyada Digil iyo Mirifle oo ku sugan Baydhabo iyo Malaaq Cali Malaaq Showri oo isagana ka mid ah Malaaqyada beelaha Hawiye kuna sugan Muqdisho.
Malaaqyadan oo ah kuwa asalka ah isla markaana dowladaba dhisay ayaa waxay digniin kama danbays ah siiyeen Madaxweyne Xasan Shiikh iyagoo hoostana ka xariiqay in uu weyn doono kursigiisa hadii uu ka joogi waayo dhalanteedka koox riyoonayso(Raaskanbooni) ay ku doonayso in dhul ayan lahayn ay ka saxiixato.
Waa kuwan labada Malaaq
Malaaq Cali Cabdiraxmaan(Malaaq Shiino)
Malaaq Cali Malaaq Showri