Gudoomiyaha Degmada Berdaale oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in kol dhow ay qorsheynayaan dagaal ey kaga saari doonaan Alshabab degmooyinka ey kaga hartey gobolka Bay iyo Bakool.
Gudoomiyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa shegey in Alshabab inta badan ee gobolada koonfurta dalka Somaliya laga soo saarey awood badana eysan laheyn xiliga hada la taagan yahay.
Wuxuu intaa sii raaciyey in waqtiga eysan jirin meel ey isku urursato Alshabab oo ey meelaha dhuumaaleysi ugu socdaan ayagoo u socda laba laba iyo seddex seddax taasoo micnaheeda tahay awood dari hada heysata.
Daafeet.com