Qurac Joome oo gacanta u galay Shabaab dagaal la'aan

0
106

eey

 

 

 

 

 

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qurac Joome degmada Ceelbarde gobolka Bakool ee dhaca KoonfurGalbeed Soomaaliya ayaa waxay ku wamayaan in Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qurac Joome ayadoo aan wax dagaal ah halkaasi ka dhicin.

Qabsashada Qurac Joome ay qabsatay Xarakada Shabaab ayaa imaanaya xili habeenimadii xalay ay halkaasi isaga bexeen Ciidanka Itoobiya oo sida la sheegay xadka kasii gudbay.

Qurac Joome ayaa waxay dhacdaa xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya waxayna 30km u jirtaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo maamulkeeda hoostaga.

Ilaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ku aadan bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Qurac Joome duleedka degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.