Warar aynu kasoo kala xiganay Ilowareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kulankii dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Kooxda Raaskanbooni uga socday magaala madaxda dalka Itoobiya ee Adis-Ababa ayaa waxa uu haatan soo gaaray marxaladihii ugu danbeeyay ee kulamada inkasta oo inta badan kulamadu ay ahaayeen kuwo fool ka fool ah ayaa waxaa hadana dhacayay in marar badan ay labada wafdi isku dhacayeen loona baahanayay cid dhexdhexaadisa kaalintaasina waxaa buuxiyay dowlada Itoobiya oo martida loo yahay.
Hadaba warar horudhac ah ee laga helayo Adis-Ababa ayaa sheegaya in ilaa sagaal qodob oo ka mid ahaa Shan iyo toban qodob oo laysku haystay lagu heshiiyay halka Lixda qodob ee harayna loo daayay kulan ka dhici doona Muqdisho dabayaaqada bisha September ee fooda inagu soo hayso.
Inkasta oo aan wax saxiix ah weli ku dhicin Dukumintigaan ayaa waxaa hadana la rumaysan yahay in maanta qalinka ay ku wada duugi doonaan labada dhinac.
Qodobada laysku raacay
*Labada dhinac waxay si KMG ah isula garteen inuu maamulkan ka dexeeyo sedexda gobol ee kala ah(J/Hoose,J/Dhexe iyo Gedo)Waxaana si kama danbays ah u ogolaan doona amaba u diidi doona maamulka sedexda gobol ka dib xiliga KMG.
*Magaca loogu yeeri doono midowga sedexdan gobolna waxaa laysla gartay Maamulka Jubba
*Maamulku waa KMG mudada uu shaqayn doonana waa Sanad wuxuuna ku shaqayn doonaa Howl maalmeed wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranku ay dejin doonto
*Mas’uulka ugu sareeya maamulka waxaa loogu yeeri doonaa Gudoomiye halka Gudoomiye-yaasha goboladuna ay qaadan doonaan isla magacaan.
*Gudoomiyaha Sedex gobol waxaa kuxigeeno u noqon doona sedexda gudoomiye gobol sidaas si lamid ahna waxay yeelan doonaan awood buuxda oo ay go’aan ku qaadan karaan.
*In ciidamada Raaskanbooni la qarameeyo misna tobabar iyo xuquuq la mid ah tan ciidamada dalka la siiyo
*Guud ahaan saraakiisha ciidamada Raaskanbooni waxay mari doonaan qiimayn kadibna waxay ka mid noqon doonaan saraakiisha ciidanka Dowlada
*Dhamaan bulshada sedexda gobol ayaa laga qori doonaa ciidan hanta dhamaan howlaha ciidan ee maamulka
*In Dhaqaalaha kasoo xarooda dekeda iyo garoonka loo sameeyo gudi isku dhaf ah ka dibna loo qaybiyo laba qayb oo midi leedahay Dowlada fedraalka 50%inta kalena lagu bixiyo Adeega Garoonka iyo Dekeda,Degmada Kismaayo iyo maamulka gobolka Jubada hoose iyo kan guud ee sedexda gobol ay si wadajir ah u qaybsan doonaan.
Qodobada dib loo dhigay ayaa waxaa ka mid ah
*Qabashada Shirweynaha Maamulka Jubba
*Xoraynta qaybaha dhiman ee sedexda gobol iyo maamul u samayntooda
*Gelida heshiisyo goboleed iyo kuwo caalami
*Qaabka wada shaqaynta iyo xiriirka
*Mustaqbalka goboladan iyo hab qaybsiga awoodaha
*Dhaqan galka heshiisyadan.
Si kasta oo loo dhigaba heshiiskani ayaa waxa uu soo dedejin doonaa burburka Dowlada madaxweyne Xasan Shiikh maadaama Afar ka mid ah Shanta beelood ee ay Soomaalidu ka kooban tahay ay kasoo horjeedaan in Haraadigii Shabaab ee dharka soo bedeshay lala xaajoodo.
Daafeet.Com