Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali dheere oo sheegey deegaanada ey ka taliyaan iney ka amaan fiican tahay deegaamada ey ka taliso dowlada

1
137

cali dhereAfhayeenka guud ee ururka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlya warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in deegaannada ay ka taliyaan ay amni ahaan iyo nolol ahaan ka wanaagsan yihiin kuwa ay ka taliso dowladda.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale kaga hadlay wareysigiisan in dagaalka lagula jiro Al-sabaab ay gun-dhig u yihiin baabi’inta diinta islaamka iyo sidii loo guran lahaa khayraadka dalka.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dagaallada lagula jiro Al-shabaab ay ka mid yihiin sidii dalka khayraadkiisa loo guran lahaa, isagoo tusaale u soo qaatay is-qabqasiga dhinaca maamulka ah ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in Al-shabaab sababtii looga saaray Kismaayo ay tahay inay ka hortagayso in khayraadka halkaas yaalla si fudud lagu gurto, taas awgeedna laga saaray magaaladaas si khayraadka dalka loo gurto.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarrada ay xoogaga taabacsan ka fuliyeen deegaanada ay ka taliso dowaladda Somalia, ayaa ku sheegay hadalkiisa inay ahaayeen kuwo lagu dhibaateeayay AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. cali dhiigcabe muxu kufana markii uu shacabka xasuqay hadad fantin iyohadikale umadii ilahey weyidin necen kolkii aad kudhameysen isqarxin kooxo bastoolado kuhuweysan waxaa dadkii marhore idinku sirmijirey weyidinfahmen in idinka iyo diin waxad kalajirtan dhul iyo cir hada baabi iinasodhowaday iyo xiligii cadalada laidinhorgeynlahaa iyo qofkii caqliga idinka xaday oo yiri koofurta somaali burburiya waqooyina nabad hakusexdan dadkina koofurta dabargooya waa qawaarij godane hada rahaweyn waafahmen godane qorshihisa hawiyana qaar ayaa fahantay ookamidyahay xasandahir laakin calimaxishoode weli faan iyo waxan loojogin ayu kadawa warega waxaan kuleyahay inaad wax xukuntin iskailaawa ileenwaad ujeedan markan dadkii oodhan weyidinnecen weynaidinfahmen dhalintii mustaqbalkoodi waxadkadhigten bamboiskuxira umada musliminta soohalaga janaa idinbalanqaadeyna idinka janada maxadkunacden hadad diin aadwadatin waxanidinleeyahay dibufakara shacabkii dhaman dowladey lajiran dowlada hadey tahay gaalo ama murtad ama munafaq shacabka kujecel ee waqtiga haiska dhuminina horad waqtibadan noogudhumisen riwaayadana aad dhigeysana iskadaya iyo magacyoaanjirin sida abuzuber abuu jacjac iyo abuuwaqas waan oknahay intiina badan waakuwii mooryanta oo cimamad soqatay gernasoo deystay waayo qofwax soobartay maidinkujiro ama jaamacadkasobaxay waa jaahilin isbaheystay oolku adeegan jiray cadowga somali qawaarij waahalagsamen markii qadafi uuhalagsami balfiiriya meesha inaan diinlaguhaynin maxaa iskukenay qadafi elitereya iyo diin

Comments are closed.