Wararka eynu kol dhow ka helney Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa sheegaya in qarax khasaaro geestay lala eegtay ciidan iyo saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo,xilli ay marayeen meel u dhaw isbitaalka iyo Saldhiga Magaalada Kismaayo.
Nooca qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso oo si xoogan Magaalada looga maqlay,maadaama xilliga qaraxa uu dhacaye ay aheyd xilli aroor ah oo badi dadka ay hurdeen jawiga Magaaladana uu ahaa mid degan.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa durba soo gaaray ciidan kale oo ka tirsan kuwa Axmed Madoobe ee Magaalada Kismaayo,gurmad kadib waxa ay bilaabeen baaritaano inay kula dhaqaaqaan xaafadaha ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.
Ilaa hada saraakiisha ciidanka Axmed Madoobe kama aysan hadlin qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Daafeet.Com