Gole Cusub oo la magac baxay Golaha Amniga Qaranka oo uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqey

1
58

xasanMadaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ku dhawaaqay in la aasaasay golaha amniga qaranka Soomaaliyeed.

Golaha amniga qaranka Soomaaliyeed waxaa shir guddoominaya madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed, waxaana xubin ka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wasiirrada gaashandhiga, arrimaha gudaha iyo amniga, maaliyadda, arrimaha dibedda iyo garsoorka.

Sidoo kale waxaa xubno farsamo ka ah taliyeyaasha ciidamada xoogga, booliska, nabadsugidda iyo asluubta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Golaha amniga qaranka Soomaaliyeed ayaa usbuuciiba mar lagu wadaa inuu kulmo oo uu dejiyo istraatejiyadda iyo siyaasadda amniga dalka.

 

Daafeet.Coma

1 COMMENT

  1. Golahan kii ka horeeyey Shariif Xasan ayaa ku jirey, midkan Jawaari waa laga saarey. 5 Hawiye, Sedex Daarood, 2 Dir iyo 1 DM (sold out ah). Yaa loo tashanaaya? Cod hadii la qaadi yaa helayo codka?

Comments are closed.