Ciidamada Amanka ee Kenya oo digniin usoo jeediyey shacabka Magalada Mombasa

0
74

mombasaSarakiisha ammaanka Kenya ayaa digniin u jeediyay shacabka Kenya gaar ahaan shacabka ku dhaqan Magaalo xeebeedka Mombasa inay ka feejignaadaan weeraro ka dhaco Magaaladaasi oo ah Magaaladii lagu dilay 27-kii August, 2012 Wadaadka Caanka ahaa ee Aboud Rogo Mahamed.

Sida uu warbaahinta Kenya u sheegay Madaxa Booliiska Gobolka Xeebta Aggrey Adoli, kadib markii ay heleen akhbaar sirdoon ah oo sheegtay in ugu yaraan shan dagaalyahannada Al-Shabaab ah ay Kenya uga soo tallaabeen Somalia,kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay weeraro Mombasa ay ku ekeeyaan.

Mr Adoli ayaa shaaca ka qaaday in shaqsiyaadkaan gudaha u galeen Magaalada Xeebta Kenya ku taalo,isagoona cadeeyay in la filayo inay la bahoobaan kuwo kale oo Mombasa ku sugan si ay u fuliyaan weerarada,”Sida Adoli uu sheegay.
Xaalada Magaalada Monbasa oo degeneyd  maalmihii u danbeeyay ayaa hada xaalka sidaasi uu ka badelan yahay iyadoo amaankeeda si aad ah loo adkeynayo,waxaana laga baqayaa inay weeraro qasaaro geystay ay haleelaan.
Daafeet.Com