Guddoomiyaha Degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegey in ciidanka Dowladda ayaa Magaaladaasi ka sameeyay howlgal amniga lagu sugaayo.
Wuxuu sheegay in howlgalka uu yahay mid joogto ah oo ay sameynayaan ciidanka Dowladda si ammaanka magaalada loo xaqiijiyo iyo si looga safeeyeyo magalada dadka nabad diidka ah ee ku dhumaaleysta gudaha magalada.
Wuxuu kaloo intaasi raaciyey in eysan jirin dad lagu soo qabqabtey howlgaladan ey sameeyeen ciidamada, wuxuuna sheegay in ammaanka Magaalada Marka uu hada yahay mid aad u hagaagsan.
Halkan hoose ka dhegeyso
Marka Yariisow
Daafeet.Com