Dhegeyso:- Magalada Baydhabo oo lagu soo gabagabeeyey bananbax weyn iyo Odayaasha Digil iyo Mirifloo sheegey iney dagaal diyaar u yihiin

0
83

baydhabooWaxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay lagu soo gabagabeeyey banaanbax ballaaran oo ay dhigeen malaaqyada kasoo jeeda deegaanada koonfurta somaliya.

Ujeedada ugu weyn ee banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday heshiiskii Dowladda Soomaaliya ay la gashay maamulka Axmed Madoobe ee Jubba.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah Nabadoonada Banaanbaxa ka qeyb galay ayaa u sheegay warbaahinta Magaalada Muqdisho in dhamaan dadkii isugu soo baxay Banaanbaxa ay si aad ah uga soo horjeedeen Dowladda Soomaaliya iyo heshiiska Maamulka Jubba lala galay.

Odayaasha beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa ku doodaya in qeyb kamid ah dhulka ay ka dagaan Jubbooyinka loo gacan geliyay Axmed Madoobe,taasina ay ku tilmaameen mid aysan aqbaleyn.

 

 

bananbaxii baydhabo

 

Daafeet.Com