Maamulka Degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Magaalada Marka ee Shabeelaha hoose.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hada madaxweynaha Soomaaliya si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka.
Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya uu utagay Magaalada Marka ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay booqasho uu Magaalada ku tagay kaliya,maadaama Madaxweynaha uu horay ubooqday Beladweyne,Baydhabo iyo Garoowe.
Halkana kaga dhegayso Mobilkaaga
Daafeet.Com