Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta la filayo inuu gaaro Marka.

0
77

wardegdeg ahWararka ka imaanaya magaalada Marka caasimada gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ku waramayaan in qabanqaabo balaaran loogu jiro sidii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo maanta loogu soo dhowayn lahaa magaalada.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa ka mid noqon doono xubno golaha Wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Gaashaandhiga,Cadaalada iyo Amniga sidoo kale ayaa waxaa iyana wafdiga qayb ka noqon doona qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu soo waramayaa in safar dhulka ah ay ku gaari doonaan magaalada caasimada ah ee Marka si ay indhahooda ugu soo arkaan Isbaarooyinkii wadada daadsanaa oo la qaaday.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa inta ay joogaan gobolka iyo caasimada magaalada Marka ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Maamulka heer Gobol,Degmo iyo Federaalba.

Wixii kasoo kordha kala soco Daafeet.com