Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynada Dowlada Federalka oo Booqasho ku tegey Degmada Marka

1
71

xasanWafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar dhinac dhulka ah ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Xasan ayaa u kuurgalaya xaaladda gobolka Shabeellaha Hoose iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka.
Labo maalmood ayaa lagu wadaa inuu madaxweynaha ku sugnaado magaalada Marka, wuxuuna la kulmi doonaa maamulka KMG ah ee gobolka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala gadisan.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur, xildhibaanno iyo taliyayaal ciidan.

Waa booqashadii koowaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Marka tan iyo markii uu xafiiska qabtay dabayaaqadii sanadkii 2012.

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. bogashada madaxwenaha ku tagey sha/hoose waxaan u arkeeyaa aniga kalagiibinta digil iyo mirifle waayi bogishidiisa madaxwene safarow shekhm/muud iyo siixoojinta Hewiye iyo daarood weeye waa siyaasi degben weeyi bogishida wafdigaani iska ilaaliya khiyaanida Hewiye iyo daarood dhulka dm kuboobayaan weeyi

Comments are closed.