Qaramada Midoobay ayaa ku baaqeysa in ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya lagu taageero saanad milateri oo ay ku jiraan diyaarado helikobtarro ah.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay helaan saanad milateri oo dheeraad ah, si maleeshiyada Al-Shabaab ay waddanka uga xorreeyaan.
Mr. Ban ayaa ugu baaqay waddamada xubnaha ka ah QM oo ay ku jiraan waddamada Afrikaanka ah ee aan wali ciidamo u dirin Soomaaliya in ay ku taageeraan howlgalka AMISOM, ciidamo gaashaaman iyo diyaarado helikopterro ah, si ay meesha uga saaraan awoodda al-Shabaab.
Waxa uu xusay in jiritaanka al-Shabaab ay khatar ku tahay nabadgelyada gobolka.
Daafeet.Com