Madaxweynaha oo ey Diyaarad kasoo qaadey Magalada Marka kadib markii uu ka baqey Safarka Dhulka

0
63

breaking nWarar kol dhow aan ka helney Magalada muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad ey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ka Doontay Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa diyaarad kasoo qaaday Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose,taasi oo kasoo dejisay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Diyaarada ayaa waxaa ay markii hore ka Kacday Markab yiilay Mid kamid ah Xeebaha Magaalada Muqdisho kaas oo laga Leeyahay wadanka Norwayn waxayna Magaalada marka ka Doonta Madaxweynaha Kadib markii uu ka Cabsaday Maritaanka Jidka dheer ee isku Xiro Muqdisho iyo Gobolka Shabelada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminyay ayaa Shalay Al Shabaab waxa ay ku weerareen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka iyadoona muuqata in Madaxweynaha uu sababo amaan isugu soo halen waayay in uu ku socdaalo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka.

 
Daafeet.Com