Gobolka Shabeelada Hoose waxa Uu ka mid yahay 18 ka gobol ay soomaaliya ka koobneyd bur burkii ka hor 1991, waxa uu ku caan yahay wax soosaarka beraha iyo xoolaha iyo kaluumesiga intaba.
Gobolku waxa uu ka kooban yahay 8 degmo oo kala ah
1- Marka oo ah xarunta gobolka
2- Afgooye 3- Qoryooleey 4- Wanla weyn ama Daafeet 5- Awdheegle 6-Kurtuwaareey 7- Sablaale iyo 8- Baraawe
waxaana dega oona u badan beelahan hoos ku xusan magacyadooda
1- Tunni 2- Jiido 3 – Garre 4- Shanta caleemood 5- Bagadi 6- Galladi Iyo Biimaal + Jareerweyne iyo Jareer Digileey- ama Darbane duubane Digil Hintire, Wacdaan, 12ka Koofi Iyo Gandershe.
Intaan oo beelo waa kuwa u nasab sheegta una dhashay gobolka, iyagaana leh majooratina ka ah ,Somali gobolada kale ka timid wey dagan yihin oo cid kasta ka kooban ,lakin dad melo kale ka yimid hadana aan rabin nabad iyo daganaansho ayaa ka mid ah dadka 22kan sano dhibaatooyinka badnaa u horseeday gobolka waana laga wada dharagsan yahay kuwa ay yihin.
Waxaa ka jira gobolka dhibaatooyin faro badan ilaa maanta oo isugu jira , mid amni mid siyaasadeed, dhaqaale iyo aarimaha ijtimaaciga ahba.
waxaa uu gobolku soo maray marxalado kala du duwan oo ay ku dhaceen masiibooyin badan kuwasoo ay sababeen hogaamiye kooxeedyo ka yimid gobolo kale oo u gacan galay hubkii wadanka , 1991 waxaa qabsaday gobolka jabhadii uu caydiid hogaaminaayey USC SNA, waxaase ku hardamay isla jabhadan dhexdeeda dhibaatooyin farabadana ka geysatay , kadibna ugu danbeyn waxaa u haray gobolka qabqablayaal dhiigyo cabyo ah oo haraadigii USC da kasoojeda aan ka xussi karno Nin mahdi la yiraahdo oo maamulkii salbaraal labaxay hogaamiye ugu ahaa gobolka iyo indhocade oo dhibaatooyin faro badan u geeystay ilaa maanta waxa ka jira gobolkaas waxaa sabab u ah qabqablayaashaas ay soo ilaa maanta wali rajo ka leh in ay sii dhiban shacabka gobolka oon cadaadis dhinacwaliba leh sida ,dhaca iyo boobka baahsan ka geysanaaya gobolka , waxa ay qabsadeen ilihii dhaqaalaha gobolka , beeraha ay kala waregeen shacabkii iyo berihii dowlada laheyd , isbaarooyin ay soo dhoobeen wadooyinka gala gobolka iyo kuwa ka baxa waxana wali lagu xasuustaa xukunkii adkaa iyo cadaadiskii indhocade, ilaa maanta kan ay ku heyso alshabaab, inkastoo 4 degmo laga xoreeyey shabaabka hadana 4tas degmo amaankooda ma sugna, leyskuma haleeynkaro xitaa in si nabad ah loo garsiiyo shacabka u baahan musaa cidaadaka bani aadnimo waxase nasiib darro ah dowladii laga sugaayey in ay wax ka badasho dhibkaas ay iyana maanta u muuqato mid sii xoojineysa dulmigii ka jiray gobolka iyo besha caalamka oo shegaya in somali laga caawinaayo amniga iyo soo celinta nidaamka dowliga ah oo ciidan nabad ilaalineed u soo diray dalka qarashaad faro badana ku bixiya ,lakin waxaa muuqata iyana in ay u joogaan dan meelo kale laga leyahay qorshuhuna uusan u muuqan mid lagu taageerayo shacabka somaliyeed .
ciidanka amisom wey ku fashilmeen sugida aminga shacabka dowladenana ay san u muuqan xitaa mid diyaar u ah in ay xil iska saarto in ay tayeyso ciidankeeda oo qeyb ka ah dhibka shacabka maanta lagu hayo gud ahaan melaha ay jogan ciidankeeda oo laga soo cawaado , kufsi , dhac iyo dilalba tasoo aan wax badan laga qaban.
Gobolku waxa uu soo maray cadaadis guud iyo mid gaar ahaaneed, waxaa lagu tagri falay gobihii adeega guud iyo midkii gar ahaaneed, hay adahii waa laga cuuryaamiyey waxana qeyb ka ah amni xumada ka jirta niman xaaraan ku heysta una rakaateysan tahay hay adaha gargaarka internationalka iyo local NGO da maxaliga ahba caqabadna ku ah nabada iyo horumarka gobolka Shabeelada hoose ,xoogna ku maamula xitaa goobihii caafimaadka oo ugu muhimsan yahay cisbitalka Marko oo maanta laga soo sheegayo xaalad bani aadnimo ,tasoo ay aad ugu cowdeen dadka deegaanka iyo maamulkii degmada MARKA, ayna ka danbeeyaan sida uu cadeyey gudoomiyaha Deg.Marka Mudane.yariisoow , tasoo uu ku eedeyey COSVO oo iyadu maamuleysay cisbitaalka ,in ay ka goosteen mushaarkii shaqalaha iyo daawadiiba, tasoo ay dheertahay mudo 10 bilood ah aan shaqalihii la siin mushaarkoodii ay xaqa u lahaayeen ,markii lala xiriiray hayadii Donorka aheyd ay shegtay in ay bixisay qarshka ay shaqalaha ka cawden .
Waxaa la curyaamiyey Dadka deegaanka Dhaqdhaqaaqooda iyo Uraradooda arrimaha bulshada ka shaqeeya kana hor istageen howlihii ay fulin lahaayeen iyagoo lagu cadaadinayo hub iyo awoodo kale oo qarsoon oo ka imaanaya madax dowlada ka tirsan oo gadaal ka hagaya qowleysatadan .
sidaa daraded war bixin ay soo saartay hay ad maxali ah oo ka howl gahsa gobolka waxa ay shegtay in mudo ah an wax howlo samafal iyo horumar toona aan laga sameyn gobolka intii ay dowlada qabsatay qeybo ka mid ah gobolka , tasoo ugu wacan amnigii oo aad u liita isbaarooyin meel waliba yaala iyo NGO yo horey mesha wax ugu bartay oo hor istagaya hadii aan iyaga la soo marsiin waxii loow waday deegaanka, dowladina aan ilaa iyo hada aan xil iska saarin wax ka qabashada dhibaatoyin kaas an soo sheegay.
Hadaba anoon ku fogaan, maanta oo ay Taariqdu tahay 03/09/2013 waxaa markii ugu horeysay gobolka tagay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud , waxa uuna booqday xarunta gobolka .
Waxaaanse u soo bandhigayaa Madaxweyne Xasanoow Maxaad noo wadaa Warkii horaa Mise warkale oo cusub mise waxaan rabno hadaan nahay shacabkii gobolka Shabeelada hoose
1-Wax maka badalli kartaa xaalka maanta uu ku jiro Gobolka oo ah Maamulka muqdisho loogu kenay xilligii Madaxweyne shariif iyo waraaqihii dikreetoooyinka iska soo daba dhicijiray oo la soo siinaayey dad xitaa aan waligood aan arag gobolka iyo nimankii 22ka sano dhibka ku haayey oo ilaa maanta aad joogto halsano ay ka yihin kudoomiye kuxigeno heer gobol ,degmo, agaasimayaal waaxeed her gobol iyo degmo isugu jira waax yaha dhaqalaha Taliyayasha ciidanka iyo maleshiyaadka boobka ku haya dhibka oo an ognahay in ay kamid yihin cidanka xoga dalka lakin aan u adegin dan qaran oo ay haleynayan magaca ciidanka qaranka oo aad ogtahay ,wax maka qaban kartaa
2- Waxaad ku celcelisaa maalin waliba dadka iyagaa u madaxbanaan in ay sameeysataan maamulkoda iyo madaxdooda , anagu waan u fududeynaa oo kaliyah, marka maxaa diidan in aad u deysaan rer Shabeelada hoose masiirkooda adna ugu dhagan tihin maamul adna ku cadaadineysaan ma sameeysan kartaan maamul ilaa aad ka aqbashaan dad aan idinku dareyno oo ah kuwii shalay gobolka dhibatooyinka ka geystay
3- Mudane madaxweyne hadaad galgaduud u magacoowday cirfe oo afgooye xog ku heysan jiray tas soo ma cadeyneeyso in raga cirfo isku besha yihin aad wax u raadineeysaan in ay leeyihin gobolo kale kana aad ugu dareysaan mise waxkalaa damacsan tihin
4-Xeerkii maamul u sameeynta ay soo ansixiyeen Golahaga wasiirada ayna barlamaanka soo an sixiyeenusbuucyo ka hor maxaad ugu dhagan tahay in aad saxiixdo ma waxad diidan tahay qodobka dhahaya Deegan waliba waxaa maamulaya dadka u dhashay mise qodobo kalaa jira mise waxad la sugee inta aad Shabeelada hoose rag kale kor ugu kento
4-Mudane madaxweyne waan ku tageernay , waxana kugu taageernay dowladban jecelnahay wana u bahan nahay ,marka taageeradiinii waxaad ka dhigtay mid aad kud angaartay markii aad kursiga ku fadhisatay mise wax aan ogeen baad noo heysaa mise meel lagaa heysto aa jirta , mise noo shegi kartaa wax aan kugu sii taageerno koley adaa manta Madax ka ah dalka
5-Madaxweyne Maxaa hor istaagan ciidankii uu ra iisul wasaaraha dalka u balan qaaday shacabka gobolka shabeelada hoose in loo tababaro kuwasoo ah police iyo Asluub , maxaa hor istagan mise qorshe kalaa jira oo qarsoon
6- Madaxweyne shabeelada hoose xaq uma lahan miyaa dhaqaalaha besha calamka ay somalia siiso, waxbarashada leysu diro dibada, in laga qeyb galiyo tashiyada masiirka umada, iyo 4ta degmo ee dowlada hada gacanta ku heyso maxaad hal mashruuc xitaa looga fulin la yahay.
Intaas iyo kuwo kale aan jawab kaga rabnaa hadii aad maanta noo timaaday
Soo dhawaaw saliga soo fariiso
Daafeet.Com
maashaa allaahu sidaas ayaa larabaa in garta logooyo ? lakiin warka madaxwenahay wuucadyahay xadii jabhajii raskanbooni siye kismaayo xadani sha/hoose waxaa lasiyineyaa Habar geder waana cadahay taas xadaa laga HORTagin aranta uwado madaxwene xasan shekh ma/muud ok asc digil iyo mirifle isku tashida idinka calaan calka iska daaya
arinta degmooyinka goballka shabeelada hoose waa inuu baarlamaanka dib ugu noqdaa maxaa yeelay nambar 50 iyo Janaale waa in lagu daraaa degmooyinka
War xasan gurgurte wax kama sugeno oo wan katashnay mamul an umadaxbananahay ayan mar dhow casimada g.konfured ee baydhaba janaa ayaa logu dhawaqaa markaa kadib cid nadhaxdagnan karto malahan habar gidirna galgadud ayee adesaa qore akaha47ka ayan kubixinenaa hore aya looyiri ninkee shantada kacelinin sharci kama celiyo ee sidasi ayan hawada umarinenaa gargurte iyo beshisa hawiye hadii anahay dhalinta digil iyo mirifle
Comments are closed.