Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Yuusuf Cumar Madaale oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen bambooyin Shabaab ay ku tuureen meelo kamid ah Muqdisho.
Madaale ayaa sheegay in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen howlgalo kadib markii qaraxyada ay dhaceen ayna soo qabteen gaadiid hub suumanka qarxa iyo maxaabiis.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Mr Madaale,wuxuu sheegay in qaraxyadii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho uusan jirin khasaaro ka dhashay habayaraate.
Halkan Hoose Kaga Dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com