Dowlada oo mar kale iska fogeysey eedeymo Musuq Maasuq ah oo lagu soo eedeeyey

0
73

fowsiyoWasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta kulan la qaadatay guddi Dowladda u xilsaartay jiritaanka warbixin dhawaan ay soo saareen guddiga dabagalka xayiraada Soomaaliya iyo Eritrea taasi oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay musuq maasuq.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in rag sharciyaqaano ah loo xilsaaray baaritaanka arimahaasi ugu dambeyna ay sheegeen in warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo waxaa ay sidoo kale sheegtay inay daba joogaan warbixinta eedeynta ah ee Dowladda loo jeediyay meeshii marka hore laga keenay loogana soo jawaabo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Jarmey Show man oo ka mid ah guddiga baaritaanka ku sameeyay jiritaanka warbixinta eedeynta ah ayaa sheegay in eeda Dowladda loo jeediyay ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

 

 

Daafeet.Com