Dowladda Mareykanka ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in ay wali doon-doonayso Cumar Xamaami, oo sidoo kale loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki oo u dhashay dalkaas, kaas oo sanadkii 2006 ku biiray Al-Shabaab.
Mareykanka wuxuu ku eedeeyay Xamaami inuu gacan weyn siiyay Al-Shabaab, oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay argagixiso, howlgalladii milateri iyo ololihii dacaayadaha kooxda ee dhinaca warbaahinta.
Qodobka sharci ee loo cuskanayo liiskaasi ee tirsigiisu yahay -13536- ayaa faraya in laga xannibo hantida shakhsiyaadka u dhashay Mareykanka ee si toos ah iyo si aan toos aheynba shakhsiyaadka ama hay’adaha falalkooda ay si toos ah halis ugu hayaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka barnaamijkeeda lacagta ku bixiya soo qabashada dadka la doon-doonayo, si caddaalladda loo horkeeno ayaa lacag gaareysa 5 milyan oo doollar duldhigay Xamaami.
Daafeet.Com