Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Agagarka Tiyaatarka ee Magalada Muqdisho

0
78

qaraxQaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa maanta ka dhacay barxadda iskaashatooyinka oo kasoo horjeedda dhismaha ex-fiyoore oo ku dhow maqaayadda Village oo horay qaraxyo ismiidaamin ah ay uga dhaceen.

Weerarradan ayaa waxay ahaayeen kuwo isugu jira gaari miineysan oo ku qarxay barxadda iyo ruux markaas kaddib ismiidaamiyay, iyadoo la sheegay in ruuxa isqarxiyay uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada iyo midda dhaawac.

Madaxweynaha Soomaailya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis-darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddoo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodan) oo saxaafadda kula hadlay goobta ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid lagu doonayo in shacabka lagu laayo, isagoo intaa ku daray in la diidan yahay inay wadashaqeyni dhexmaro dowladda iyo shacabka.

 
Daafeet.Com