Dhegeyso:- Afhayeenka Alshabab oo ka hadley Qaraxii Shaley ka dhacay Magalada Muqdisho

0
101

Abuu mascabAfhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in goobta shalay weerarka uu ka dhacay ay tahay goob uu leeyahay ruux ushaqeeya sida uu yiri Abuu Muscab Hay’adaha Sirdoonka dalalka Uk iyo USA MI5 iyo MI6.

Goobtaasi ayuu ku tilmaamay inay tahay xarun cadoow sidaasi awgeedna ay Shabaab u weerareen.

Afhayeenka dhanka howlgalka ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in hadii ay yihiin kuwa diinta difaacaya ay ku qasban yihiin dabagalka cid waliba oo gacan saar la leh Dowladda iyo Dowladaha kale intaba kadibna ay tallaabo ka qaadayaan,taasi oo uu ku sifeeyay sababta weerarka salka ku haysay.

 

Abuu Mascad

 

Halkan Hoose Kaga Dhegeyso Mobilkaada

 

Abuu Mascad Mobil
Daafeet.Com