Dhegeyso:- Kulankii Madaxweynaha iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay Xarunta Madaxtoyada

4
84

xasan iyo axmedKulan gaar aayaa waxa uu xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho iyadoo Casho sharaf halkaasi ku wadaageen Gudoomiyaha Maamulka JUBBA Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxa ugu horeyn soo dhaweynta kadib munaasabadaasi hadal ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/llaahi Ciilmooge isagoo sheegay inay imaatinka Axmed madoobe ay tahay mid sii xoojin doonta xiriirka cusub ee bilowday.

Sidoo kale Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu horeyn cambaareeyey falalka Al shabaab shacabka ku leynayaan sida maqaayada the Village oo la beegsaday.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxmauud oo khudbad kulankii xalay ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin natiijadii kasoo baxday Heshiiskii adis ababa cid walbo oo ka qeyb qaadatayna amaan ujeediyey.

 

Xasan iyo Axmed
Halkan hoose kaga Dhegeyso Mobilkaada

 

Xasan iyo Axmed Mobil
Daafeet.Com

4 COMMENTS

  1. Daafeet.com fadlan, wax kasta dhexdhexaad ka noqda, laakin boobka dhulka DM dhexdhexaad inaa ka noqotaan waa mas’uuliyad darro, waa nasiib xumo. Qoraalkan waxaa u soo gudbiseen sidii adinkoo waxba ka qabin khayaanada socota. Mahadsanidiin.

  2. Xasan safarow ama xasan nacas madaxweyne isku sheega iyo ahamed madoobe waa labo tuug oo ku xashiiyey in ay hoog kuqbsadaan dhul aan ayga lahayn taasina lagayeeli maayo insha allah mar dhow dadkii dhulka iska lahaa ayaa u soo socodo digil iyo mirifle ayaa katalin doono insha allah wakhti dhow kuwan labadn tuugna waan ciqaabeynaa viiva raxweyn D&M

  3. soomali qofka dadka laaya oo dhiba ayey jecelyihiin qofkaxishooda oo ilaahay kacabsada . qimama malalaha war fiiriya ninkaantuuga ah oo boobka kawada dhulka digil iyo mirfle sidii xaley loogu soo dhowey muqdisho. war anagoo naaga ah ayaa dhiiga na kacaya markaan ninkaan iyo shufeeskiisa madaxweyne ku sheega aan arko war dhul dad leeyahay ayuu qof kale ku maslaxeynayaa bal daya aawey dadkii lahaa dhulkaan hada habir gedir iyo mijeerteen iyo ogadeen heleen. anii gali i waaytii.

  4. ayaga hay isku kaashadeen in ay boobaan dhulka D&M Anagana waxaan irku kaashan doon naa qoriga araadiissa haday gabarna nagaharin walahi la idanka yeelimaayo waxaan uleeyahay hadal kaan labada tuug ee ku heshiye in ayboobaan xasan tuug iyo axmed tuug land labadiina waanu ku kala bixi doonaa somali

Comments are closed.