Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday inuu saakay safar dhulka ah ku tago degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka baaqday, iyadoo wafdi hordhac ah oo horay u gaaray Jowhar ay saaka dib ugu soo laabteen Muqdisho.
Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xalay tagay degmada Jowhar si ay u sugaan ammaanka wafdiga madaxweynaha iyagoo dib ugu soo laabtay Muqdisho markii lagu wargeliyay inuu baaqday madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku hormari doono safar uu ku tagayo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose taasoo lagu xoojinayo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ay safar dhlka ah ku tageen degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, inkastoo Al-shabaab ay sheegtay inay weerartay intii uu safarka dhulka ah ku jiray.
Daafeet.Com