Madaxaweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John .F.Kerry, wasiirka gaashaandhigga, Chuck Hagel, la-taliyaha amniga Qaranka, Susan Rice iyo xildhibaan, Keith Ellison.
Kulammadan ayaa waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin aqalka-cad ee pentagon-ka, capitol iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Kulammadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi u u dhexmari lahaa Mareykanka iyo Soomaaliya.
Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa ugu mahad-celiyey Mareykanka sida ay mar walba taageerada ula garab-taagan yihiin Soomaaliya oo hadad kasoo kabsanaysa dagaal sokeeye oo aad u dheeraa. Madaxaweynaha ayaa hoosta ka xariiqey muhiimadda ay leedahay midnimada iyo heshiiska Soomaalida u dhexeeya. Isagoo yiri: ”Waa muhiim in wada-shaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi ay dhex-marto labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.”
Mar uu ka hadlayay lixda tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ay horay u dajisay ayaa wuxu sheegay inay hada Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo, taageero yar oo la siiyana ay wax ka bedeli doonto guud ahaan dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hormarka.
Daafeet.Com