Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa ka digay in ciidamada Kenya iyo kuwa ajnabiga ah inay xoog ku muquuniyaan xoogaggooda ku jira xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in haddii culeys la saaro xoogaggooda ku sugan maalintii saddexaad gudaha dhismaha Westgate ay imaan doonto inay layn doonaan dadka ay maxaabiis ahaanta u haystaan oo ay ku jiraan kuwo aad muhiim ugu ah dowladda Kenya sida uu sheegay.
Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay mar walba la xiriirayaan kooxda ku sugan gudaha xarunta Westgate oo uusan tiradooda sheegin, isagoo ku sheegay shirka jaraa’id ee uu qabtay inay la socdaan in Kenya ay yimaadeen ciidammo Yuhuud ah oo doonaya inay weerarka ka qayb qaataan.
Dhanka kale, afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere wuxuu intaas raaciyey in shacabka Kenya looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay nabad ku heli lahaayeen ayna xukuumaddooda ku qasbaan inay kala baxdo ciidamadeeda Soomaaliya.
Sheekh Cali dheere ayaa intaa raaciyey in ciidamada Kenya ay isaga baxaan degmooyinka Kismaayo, Qooqaani, Dhoobley iyo Afmadow haddii la doonayo nabadda Kenya, haddii kale uu xaalku sidan iyo si ka xun uu ahaan doono.
Daafeet.Com