Waxaa laga deyrinayaa xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin in ka badan labo kun oo qoys oo Barakacayaal ah oo ku sugan daafaha magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyadoo dhibaatada ugu daran ee ay qabaan Qoysaskaasina ay ugu weyn tahay Cunto la’aan,Hoy la’aan,Biyo la’aan iyo adeegyada Caafimaad oo aad ugu liita.
Qoysaskani barakacayaasha ah oo seddexdii sano ee ugu dambeeyey deganaa Xerooyinka Baantuu 1, Baantuu 2, Qoryooley, Ceel shama iyo Kaam Buusaar oo dhammaantood ku yaalla duleedka Ceelwaaq waxaa ay gaarayaan ilaa 2000 oo qoys oo markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gudaha Gedo, gobollada Bay iyo Jubbooyinka, sida ay sheegeen guddiga 5tan xero.
C/laahi Muuse oo ah horjoogaha xerada Baantuu 1 ayaa Wadajirradio u sheegay in ay ka sii dareyso xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka Barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka 5ta ah ee ku yaala duleedka Ceelwaaq,isagoona sheegay haddii aanan lala soo gaarin gargaar ay ka sii dari doonto xaalada.
Halkan ka dhegayso
Barakacayaasha Ceelwaaq oo Codsadey Gargaar,wadajir