Dhegayso..Xoolaha nool ee gobolka Gedo oo Cudur aan la garan u le'anaya

0
87

ari

 

 

 

 

 

 

Xoola dhaqatada Gobolka Gedo iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee gobolka ayaa waxay aad uga walaacsan yihiin cuduro aan la aqoon oo xoolahu ay u dhimanayaan.

Dhibaatada ugu daran ee waqti xaadirkani ay ka cabanayaan Xooladhaqatada ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa xilligan waxaa ugu daran cuduro maalmahii ugu dambeeyey lagu arkey xoolaha kaasi oo ay u dhimanayaan xoolaha waxaana todobaadkii ugu dambeeyey oo keliya u dhintey cudradan aan la aqoon xoolo ka badan oo gaaraya qiyaastii ilaa 100 neef oo u badan Ari degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey halka tiro intaasi ka badana ay la liitaan sida ay Wadajir u sheegeen qaar ka mid ah Xoolalayda iyo dhaqaatiirta Caafimaadka Xoolaha ee Gobolka Gedo..

Tuullooyinka ugu daran ee xoolahu ay u dhimanayaan Cuduradan gaar ahaan Ariga ayaa waxaa ka mid ah Qotiiley,Dagmareer,Sharaawe,Mataano,Qorijab iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan Tuullooyinkaasi oo dhamaantoodba ka tirsan degmada Baardheere waxaana dadka tuullooyinkaasi oo la hadley warbaahinta Wadajir ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin cuduradan aan la aqoon ee ku dhacaya Ariga.

Halkan ka dhegayso

Xoola dhaqatada Gobolka Gedo iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo ka walaacsan cuduro aan la aqoon oo xoolahu ay u dhimanayaan wadajir

Ku dhegayso Mobilkaaga