Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa shaacisay in dhalashooyin kala duwan ay haysteen ragga qaaday weerarka xarunta ganacsiga ee Westgate.
Aamina ayaa sheegtay in 3 kamid ah ay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka oo ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaali iyo Carab.
“Waxay jiraan 18 ilaa 19 sannadood, waxayna ku nolaayeen gobolka Minnesota” ayay tiri Aamina oo warbaahinta u warramaysay.
Waxay kaloo sheegtay in dadka weerarka gaystay ay ku jirto haweeney u dhalatay dalka Britain oo horay uga soo qaybqaadatay falal noocaan oo kala ah.
Aamina Maxamed ayaa ku baaqaday in caalamku iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid caalami ah.
Daafeet.Com