Dhegeyso:-Madoobe Nuunow oo dowlada somaliya ku eedeeyay iney hor taagan tahay Maamul u sameynta Koonfur Galbeed

0
69

Madoobe-NuunowMadoobe Nuunoow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeyey inay rabitaankeeda ku qancisay shaqsiyaad gaar ah oo aan dan u hayn Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay sameysay xadgudub ku aadan dadka ku nool lixda Gobol ee koonfurta dalka Soomaaliya oo dadkii halkaasi daganaa qaar ay xuquuqdoodii la duudsiisay sida uu yiri Madoobe Nuunoow.

Siyaasigaan kasoo jeeda Gobalada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay ka go’an tahay sameysashada maamul ka taliya lixda Gobal ee Koonfurta dalka Soomaaliya, isaga oo shacabka ugu baaqay qaadashada go’aanada Odayaasha ay gaareen.

Odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa doonaya inay sameystaan maamul Gobaleed ka shaqeeya Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya, inkastoo Gobalada ay doonayaan inay maamulka usameeyaan uu ka sameysay maamul Jubba la dhaho oo dhawaan Dowladda ay aqoonsatay.

 

Madoobe nuunoow

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaad

 

Madoobe nuunoow

 

Daafeet.Com