Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna Wasiirka Khayraadka Dalka Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa waxa uu magacaabay guddi uu sheegay inay qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee Shirka Dib-u-heshiisiinta dadka dega waxa loogu yeero Juba oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013.
Gudigan oo sida muuqata loo soo xulay qaab khiyaano ku dhisan oo ah inay beelahooda u boobaan dhulka Jubooyinka iyagoo adeegsanaya magac Dowladeed ayaa waxay kala yihiin sidan.
Xubnaha Hawiye
Guddoomiyaha Guddiga
1. Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed(Hawiye-Habargidir)Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.
2-Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir(Hawiye-Sheekhaal)Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada(Waxaa si macmal ah loogu habeeyay Beesha Shanaad)
3-Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi(Hawiye-Shiikhaal)Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga.
4-Mudane Axmad Cabdisalaam Xaaji Aaden(Hawiye-Habargidir)Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya
Daarood
1. Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi(Daarood-Ogaadeen) Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
2-Mudane Cabdishakuur Cali Mire(Daarood-Mariixaan)Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
Digil iyo Mirifle
1- Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi(Digil iyo Mirifle-Dabare)Wasiirka Gaashaandhigga.
Reer Looma OOYE
1-Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi(Looma OOYE-Dhexdaraac)
Xubintan ayaa waxaa loogu soo daray in ay xiriiriso gudiga iyo Xafiiska Ra’isul wasaaraha sidaas daraadeedna waxaa laga dhigay Xoghayn si loo daboolo kaalinta Ra’iisal Wasaaraha.
Hadaba gudigan oo lagu sheegay inuu yahay gudi heer sare ah isla markaana qabanqaabin doona shirka loo wado in loo qabto beelaha dega gobolada sedexda ah ee Juba ma moodaa inuu qabanqaabo ugu jiro shirweyne dib u heshiisiin ah oo la rabo in loo qabto gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Afar Hawiye,oo laba Habargidir ah labana tahay Shiikhaal,Laba Daarood,Hal Digil iyo Mirifle ah sow arinku iskama cada oo waan ku dhici ama iska kay dhici sow ma aha!.
Daafeet.Com
Shirka yaa loqawnayo waaye marka hore marka xiktana digil iyo mirifle wey idinka tashteen wax walbo aad kentaana marna lagamayaabo inaan ka qeybgalno shirkaas hal moowqif ayaan ka qaadaney axmed madoowe iyo garguurta hadii maslaxad lawaayana nin walbo xaniiyihiisa ayu fulayaa cid cid ka awood badan majirto
war waxaas waxaa la dhaha shimbiryahow heesa waxaa xamar ka socda waxaa noogala weyn waxaa baydhabo ka socdo wasiirka gaashaandhigana waa boombale ay isticmaalaan nimankan hawiye iyo daarood
Comments are closed.