Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ka howlgala gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ey sheegeen in ey talaabo sharci ah ka qaadayaan qaar ka mid odayaasha dhaqanka ee gobolka shabeelaha hoose.
Sarkaalka handadada u direy qaar ka mid ah Odayasha dhaqanka ee gobolka shabeelaha hoose oo lagu magacaabo Kornel Xasan Dheere Dheere ayaa waxaa uu sheegey in aan warbaahinta lagala hadli karin arimaha ku saabsan isbaarooyinka yaala gobolka shabeelaha hoose.
Waxaa uu intaasi raaciyey cidii dhib ku qabta isbaarooyinka ama aragtaa in ey u sheegaan ciidamada dowlada inta aan la tegin raadiyeyaasha oo aan laga hadlin.
Korneelka waxaa kaloo uu eed usoo jeediyey Qaar ka mid ah odayaasha gobolka shabeelaha hoose isagoo sheegey in ay ciidamada ku dhiira gelinayaan iney dhigtaan isbaarooyin wuxuuna sheegey in ey talaabo cad ka qaadi doonaan cidii ey ku arkaan arinka noocan.
Si kastaba arintu ha ahaatee Hadalka kasoo yeerey Korneelka ayaad waxaad moodaa inuu yahay mid uu dembiyo ugu abuurayo dadka u istaaga iney ka hadlaan dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka, Waxaan kaloo u aragnaa inuu yahay mid uu ku difaacayo falxumida ey ku dhaqmaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo ay inta badan dadka ku furtaan wadooyinka gala gobolka shabeelaha hoose taasoo aan marar badan shegney in isbaarooyinka inta badan ey dhigtaan ciidamada dowlada.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com
war waa bila korneyl waa nin doonaya iney xumaanta umadu ka hadlin ,sidaa darteed waa tuuug korneyl sheeganaya..waa yaabe maxey dowladu u rabtaa iney keento moriyaan gobolka sh-hoose,oo ay u diidan tahay in laga soo xulo ciidanka dadka gobolka u dhashey..?
Comments are closed.